Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda oo La Wareegtay Jalalaqsi


Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa gashay gacanta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ka dib markii ay muddo ka badan laba maalmood ay hareerta ka fadhiyeen ciidamda dowladda Soomaaliya iyo kuwa ka socda midowga Africa ee AMISOM.

Ciidamada huwanta ah ayaa degmadaasi galay duhurnimadii maanta iyadoo aanay wax dagaal ah ka dhicin. Kooxda al-Shabaab oo gacanta ku haysay maamulka degaankaasi ayaan la ogeyn halka ay u dhaqaaqeen.

La wareegiskta dowladda ee degmada Jalalaqsi ayaa qayb ka ah howlgalka loogu magacdaray Indian Ocean ee ay dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku doonayaan in ay kula wareegaan guud ahaan degaanada wali ku harsan gacanta al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG