Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Djibouti:Weerarkii Garoonka Argagixiso Lug Kuma Laha


Dowladda Djibouti ayaa sheegtay in weerarkii toogassho ee ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalad Djibouti galabnimadii Isniinta uusan wax lug ah ku lahayn kooxaha argagixsada ee gobolka ka howlgalla.

Wasiirka arrimaha dibedda Djibouti Maxamed Cali Yusuf oo wareysi siiyay VOA ayaa sheegay in askariga ka tirsanaa ciidanka ilaalada madaxweynaha ee weerarkaasi geystay u si gaar ah u bartilmaameedsaday dakhtarkii madaxweynaha Idiris Cabdi oo uu wax gaar ahaaneed ka tabanayay.

Wasiirku wuxuu sheegay in wali baartaan uu socdo mar dhowna ay dowladdu soo saari doonto wixii ku kalifay askaragaasi inuu toogashadaasi fuliyo. C/casiis Xuseen ayaa khadka taleefonka ee Djibouti kula xiriiray wasiirkau, wuxuuna ugu horreyn weydiiyay inuu faahfaahiyo qaabka ay toogashadii garoonka diyaaraduhu u dhacday.

Dhageyso Wareysiga Wasiirka Arimaha Dibadda ee Djibouti
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:02 0:00

XS
SM
MD
LG