Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibadbax Cabasha ah oo ka Dhacay Buula-Barde


Banaanbax ka dhacay magaalada Muqdisho.
Banaanbax ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dibadbax ay dadka Buulo-Barde uga cabanayaan sicir-bararka iyo go'doonka ay degmadu ku jirto ayaa maanta ka dhacay halkaasi. Degmadan ayaa waxaa go'doomiyay ururka al-Shabab oo 5 bilood ka hor laga qabsaday.

Dibadbaxa oo ku bilowday ciidamo ka tirsan dowladda Somalia oo ka cabanayay mushaar la'aan ayaa waxaa markii dambe ku biiray dadweyne fara badan oo iyago dareenkooda ka muujinayay go’doominta ay degmada ku hayso Al-sbabaab iyo sare u kaca ku yimid maciishada kala duwan, muddadii shanta bilood aheyd ey al-shabab iska hortaageen degmada in ay gudaha u gallaan gadiidka xamuulka ah ee sidda badeecada qeybaheeda kala duwan.

Wareysiyo la xiriira banaan baxaasi iyo xaaladaha Abaaraha oo aan la kala yeelanay Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka ee degamada Buula-barde, Cali Cumar Qaansaweyne iyo Wasiirka beeraha Somalia Cabdi Axmed Baafo halka hoose ee qoraalka ka dhageyso.

Dhageyso Wareysiga Banaanbaxa Buula-Burde
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:25 0:00

XS
SM
MD
LG