Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hub Shabaab loo Waday oo la Qabtay


Sawir Hore
Sawir Hore

Wasaaradda amniga qaranka ee Somalia ayaa sheegtay in ay soo qabteen hub looga shikisanyahay in loo waday kooxda al Shabaab.

Afhayeenka wasaaradda amniga qaranka Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa VOA u sheegay in ciidamada ammaanku ay hawlgal ka fuliyeen guri ku yaalla xaafadda Buulo Xuubay ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa sheegay in goobtaasi laga helay hub iyo rasaas iyo Dirayska ciidamada, waxaana uu tilmaamay in dawladdu ay baaritaan arrintaasi ku aaddan ay bilawday.

Sida uu afhayeenku sheegay arrintan ayaa timid markii qaar ka mid ah dadweynaha xaafaddu ay soo wargaliyeen ciidamada ammaanka.

Ra'iisal wasaaraha Somalia iyo Mas'uulyiin ka tirsan dawladda federaalka ayaa goobtaasi gaaray, iyaga oo sheegay in hubkan ay la wareegayso dawladdu .

XS
SM
MD
LG