Xabbad joojin loogu yeedhay mid bani-aademi nimo ayaa maanta oo Jimce ah u bilaabmaysa Dawladda Israel iyo ururka Xamaas ee falastiiniyiinta, inkasta oo ay mudada xabbad joojintaasi ku kooban tahay 72 saacadod hadana labada geesoodba way ogolaadeen inay fulinyaan heshiiskaasi xabad joojinta.
Faah faahinta warbixintaasi waxa magaalada Qaahira nooga soo diray wariyaha VOA Xuseen Saxnuuni.