Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay ka dhacay degaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo u dhexeeyay laba beelood oo horey ugu dagaalantay gobolka.
Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa VOA-da u sheegay in dagaalka oo ay ku dhinteen dad ka badan 10, dhowr iyo toban kalana ay ku dhaawacmeen uu si iskii ah u qaboobay aroornimadii maanta.
Haddba dagaalkaasi iyo waxa mar kale dhaliyay ayuu guddoomiyuhu uga warramay Caasho Ibrahim Aden.