Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Germany oo 7-1 kaga Badiyey Brazil


Xulka Qaranka Brazil ayaa ka haray tartanka koobka adduunka kaddib markii kooxda Jarmalka ay 7-1 uga baddisay ciyaar ka tirsaneyd semi-finalka, waxaana halkaasi ku dhamaatay riyadii Brazil.

Xulka Jarmalka ayaa noqday xulkii ugu horreeyey ee u soo baxa ciyaarta Finalka koobka adduunka ee Brazil lagu qabanayo.

Maalinta berrina waxaa kulmi doonaan dalalka Argentine and Netherlands.

Natiijadan culus ee Brazil dusha loo saaray waa mid aanay fileynin dadka Koobka Adduunka daawashadiisa la socday.

Guuldarada xun ee la soo deristay xulka Brazil ayaa amakaag iyo fajac ku reebay dadka reer Brazil oo iyagu koobkan martigalinaya, iyagoo si weyn u filayay in xulkoodu uu ku guuleysan doono.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:07:08 0:00

XS
SM
MD
LG