Isku xirrada

War Deg-Deg ah

HRW oo Dhaliishay Maxkamadaha Milatariga ee Soomaaliya


Haya’dda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Right Watch ayaa soo saartay warbxin cusub oo ay cinwaan uga dhigtay “ Maxkamadeyn aan Caddaalad aheyn oo Ka Dhacda Maxkamadaha Militariga ee Soomaaliya”.

Warbixintan oo ay maanta soo saartay Human Rights Watch ayaa xustay in Laga soo bilaabo 2011-kii maxkamadaha militariga ee Soomaaliya ay si ka baxsan awoodooda sharciyeed u maxkamadeeyeen boqolaal dad ah.

Dacwadahaas ayaana u dhacay si ka hooseysa heerarka caalamiga ah ee maxkamadeynta caddaalada ah.

Waxaanay warbixintu ku baaqday in Dowladdu si degdeg ah ugu wareejiso maxkamadaha madaniga ah dacwadaha ka dhanka ah dadka rayidka ah. Waxa kale oo human rights watch ay sheegtay in Deeqbixiyayaasha caalamiga ah ee ka caawinaya dowladda Soomaaliya horumarinta hannaanka caddaalada ee sida weyn loogu baahanyahay, in aanay iska indha tirin isbedel lagu sameeyo maxkamadaha militariga ah, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay.

Hay’adda ayaa warbixinteeda ku xustay in Dowladda Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo taageerayaasheeda caalamiga ah ayaa ay sameeyeen dadaal lagu taageerayo sidii dib loogu dhisi lahaa nidaamka caddaalada ee waddanka. Iyadoo xoogga la saarayay isbadal lagu sameeyo maxkamadaha madaniga ah, ayaa deeqbixiyayaal yar oo kaliya waxay doonayaan inay hawlgal ka sameeyaan maxkamadaha militariga.
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:40 0:00
XS
SM
MD
LG