Aqalka Congress-ka Maraykanka ayaa sharciga horumarinta xawaaladdaha, kaasi oo u sahli doono dadka cusub ee Maraykanka inay lacago u diraan eheladooda dibedda joogta.
Sharcigan ayaa waxaa loo gudbin doonaa aqalka Senate-ka, si ay u meel-mariyaan, waxaana haddii ay meel mariyaan saxiixi doona madaxweyne Barack Obama.
Sharcigan ayaa khafiifinaya shuruucda lagu maamullo shirkaddaha xawaaladdaha, wuxuuna horseedi donaa in bangiyada Maraykanka ay dib u bilaabaan addeegii ay joojiyeen ee ay siin jireen shirkaddaha xawaaladdaha Soomaalida ee gobolka Minnesota.
Haddaba, sharcigan, iyo wuxuu uga dhigan yahay Soomaalida Maraykanka, ayaan waxaan ka wareystanay Maxamud C/raxmaan Beene-Beene, oo ah madaxa Rugta Ganacsiga Soomaalida Minnesota, oo nagu soo booqday istudiyaha VOA ee magaaladan Washington.