Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Digniin Laga Bixiyay Xaaladda Cuntada Somalia


Warbixin ay soo saartay Hay’adda cunada adduunka ee FAO gaar ahaan xafiiska u qaabilsan falanqaynta xaaladda cunada iyo nafaqada ee Somalia, ayaa lagaga digay in xaaladda cunna yaraantu ay sii xumaato, gaar ahaan gobolada ku yaalla koonfurta Somalia.

Warbixinta ayaa si gaar ah loogu xusay gobalada shabeellaha hoose iyo shabeellada dhexe, waxayna warbixintu tilmaantay in nabadgaliyo xumada iyo barakaca ka jira goboladaasi iyo roobabka oo aad u yar ay keeni karaan in ay sare u kacaan qiimaha maceehsaddu.

Hay’adda FAO ayaa sheegtay in roob yaraanta ay sidoo kale halis ku tahay gobollada ku yaalla waqooyi bari ee Soomaaliya.

Hay’adda ayaa qiimayn hore oo ay samaysay bishii January ku sheegtay in arrimahani ay saamayn karaan ku dhawaad 857 kun oo qof kuwaasi oo u si deg deg ah ugu baahan gar-gaar iyo mucaawimo ilaa iyo bisha June ee sanadkan.

Waxaana ay hay'addu tilmaantay in xaaladdan ay si adag u saamaynayso dadka reer guuraaga ah ee ku nool koonfurta iyo bartamaha Somalia

Sidoo kale warbixinta hay’adda ayaa ka digtay xaaladda nafaqa darada ee haysata dadka ku barakacay gudaha dalka, taasi oo gaaraysay heer aan wanaagsanayn.

Hay’adda FAO ayaa qiimayn ay hore u samaysay ku ogaatay in inkabadan 200 kun oo caruur ah oo dad’doou ka yartahay 5 jir ay haysato nafaqa darro, waxaana tirdaasi ka mid ah 51 kun oo caruur ah oo ay hay’addu sheegtay in xaaladooda nafaq ala’aantu ay marayso heer halis ah kuwaasi oo dhimasho qarka u saran.

Xafiiska hay’adda FAO u qaabilsan macaluumaad la xidhiidha biyaha iyo dhulka ayaa sidoo kale sheegay in roobabkii gua oo la filayay inay bishii Maarso bilawdaan gaar ahaan waqooyiga galbeed ee Somalia ay dib u dhaceen illaa bartamihii bishii april , hase yeeshee wali roobabkaasi guga ayuu xafiisku sheegay inaanay ka di’in waqooyiga bari iyo bartamaha dalka.

Xafiiska ayaa sidoo kale xusay in labada wabi ee Jubba iyo Shabeelle ay biyohoodu hooseeyaan taasi oo saamaynaysa beeralayda.

Warbixinta FAO ayaa xustay in bishii Maarso ay beerlayda ku nool koonfurta Somalia qaarkood bilaabeen inay wax beertaan, inkasta oo xaaladda beer falashada ee gobolada ay hawlgalada miltari iyo dagaalado ka socdaan ay aad u hoosayso, gaar ahaan Hiiraan iyo Shabeelada hoose .

Warbixinta ayaa tilmaantay in biyaha roobka oo yaraa ay ku kaliftay bishii April in ay dib beerlaydu abuur cusub u bilaabaan sidaasi daraadeed ayaa warbixintu waxay xustay in dalaga soo go’I doonaa ee gugu uu ku xirnaan doono roobka hadii uu soo da’o bishan may iyo june .

Dhinaca kale warbixinta ayaa tilmaantay in sii adkaatay helista biyaha la cabo ee xoolaha iyo dadka gaar ahan waqooyiga galbeed taasi oo ay sabab u tahay roobabka oo yar , taasi oo sii yarayn karta helista caanaha.

Waxa kale oo warbixinta hay’addu xustay in gobolada Jubbooyinka laga soo sheegay nafaqo darro baahsan.

Warbixinta FAO ayaa tilmaantay in hawlaglada miltari ee ka dhanka ah Alshabaab iyo xayiraadda Al-Shabab ay ku samaysay dhaqdhqaayadii ganacisga ay saamayn wayn ku yeelatay hawlaha beeraha, gaar ahaan meelo ay ka mid yihiin Shabeelaha hoose, Buule Burde, Jalalaqsi, Xudur, Waajid iyo Buurdhuubo.

Waxaana xayriaadda Al-shabaab uu keenay sida warbixintu xustay sare u kac ku yimid qiimaha maciishadda .

Warbixnta aya ka digtay in haddii xayiraddaasi sii socoto bishan May iyo June ay saamayn aad u xun ku yeelan doonto heslita quutal daruuriga iyo gargaarka bini aadminimo ee samafalka.
XS
SM
MD
LG