Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaab oo laga Saaray Ceel Buur


Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika ayaa qabsadey degmada Ceel Buur oo ka tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Somalia.

Afhayeenka hawlgalka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Col Ali Hamud ayaa VOA u xaqiijiyey in AMISOM iyo ciidamada dowladda ay degaankaasi ka qabsadeen Al Shabab oo muddo halkaasi ka talinayey.

Qabsashada Ceel Buur waxay qeyb ka tahay weerarada xooggan ee dhowaan AMISOM iyo dowladda Somalia ay sida wadajirka ugu qaadeen degaanada ay gacanta ku hayeen Al Shabab.

Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Galguduud C/Xakiim C/laahi Warsame ayaa VOAda uga warramay xaalaadda degmada Ceel Buur.

Qaybta hoose ee boggan ka dhegayso waraysiga Guddoomiye Ku Xigeenka Galguduud.
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:35 0:00
XS
SM
MD
LG