Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamaanka oo Ansixiyay Xukuumadda Cusub


Wasu Masu Yiwa Kasa Hidima a lokacin da suke aikinsu na Hukumar Zabe.
Wasu Masu Yiwa Kasa Hidima a lokacin da suke aikinsu na Hukumar Zabe.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh siiyay xukuumadda cusub ee uu dhawaan soo dhisay ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed.

Kadib markii xubnaha baarlamaanku ay ka doodeen barnaamijka Ra’iisul Wasaaraha cusub uu soo bandhigay ayaa xubnaha baarlamanaku ay cod u qaadeen xukuumadda.

186 ka mid ah xubnaha baarlamaanka ayaa oggolaaday Golaha Cusub ee Wasiirrada, halka 46 xubnood ay diideen, midna uu ka aamusay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa saacadihii hore ee subaxnimadii Jimcaha ku dhowaaqay dawladda cusub oo ka kooban 25 Wasiir, 5 Wasiiro Dawle iyo in ka badan 20 Wasiir Ku Xigeenno ah.

Qaybta hoose ee boggan ka dhegayso waraysiyo iyo warbixin ku saabsan ansixinta golaha wasiirada.

please wait

No media source currently available

0:00 0:13:57 0:00
XS
SM
MD
LG