Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shacab Badan oo Taageeray Aftida Masar


Mas’uuliyiinta dalka Masar ayaa sheegey in natiijooyinka hordhaca ah ay muujinayaan in shacabka codkooda dhiibtey intooda badan ay taageereen aftida loo qaadey dastuurka cusub.

Saraakiil dowladda ka tirsan iyo warbaahinta dowladda ayaa sheegey in natiijooyinka hordhaca ay muujinayaan in 90 boqolkiiba dadka codkooda ka dhiibtey aftida labada maalmood socotey ay “haa” ugu codeeyeen dastuurka ay soo bandhigtey dowladda milatarigu taageero.

Kormeerayaasha ayaa sheegey in awalba aanu jirin shaki laga qabey in dastuurka uu meel mari doono. Maalmo kadib ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo natiijada hordhaca ah.
Kormeerayaasha doorashada ayaa sheegey in codeyntii dhacdey maalintii Arbacada ay inta badan ahayd mid aaney rabshado badan harayn.

Maalintii Talaadada rabshado dhexmarey taageerayaasha iyo kuwa ka soo horjeeda madaxweynihii talada laga tuurey Mohamed Morsi ayaa waxaa ku dhintey ugu yaraan sagaal qof.

Ururka Ikhwaanul Muslimiin ee taageera Morsi ayaa ugu baaqey shacabka reer Masar inay qaadacaan aftida, iyagoo ku tilmaamey inay tahay mid sharci darro ah.
Dastuurkan aftida loo qaadey ayaa haddii uu meel maro, waxaa xigi doona doorashooyin madaxweyne iyo kuwa baarlamanka.

Taliyaha Guud ee Ciidamada General Abdel Fatteh el Sissi –oo isagu talada ka tuurey Morsi, ayaa loo arkaa inuu yahay musharraxa loo badinayo inuu noqdo madaxweyne.
XS
SM
MD
LG