Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo Weerar Cirka ah ku Qaadey Al Shabab


Somalia / Kenya
Somalia / Kenya
Milatariga Kenya ayaa sheegey inuu weerar dhanka cirka ah ku qaadey saldhig kooxda Al Shabab ku lahayd koonfuurta Somalia, halkaasina ay ku dileen maliishiyaad badan oo ay ku jiraan saraakiil sare oo Shabab ka tirsan.

Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Garbahaarey oo xuduud la leh Kenya iyo Ethiopia.

Tirada dadka halkaa wax ku noqdey ayaan weli kala caddeyn. Kenya waxay sheegtey inay dishey 30 qof, halka warbaahinta gudaha Somalia ay sheegayaan in tirada dhimashada ay tahay toban.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo, Mohamed Abdi Kalil, ayaa VOA u sheegey in weerarkaasi khasaare balaaran loogu geystey kooxda Al Shabab.
XS
SM
MD
LG