Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaladda Soomaalida ee Dalka South Sudan


Dagaalada ka socda dalka cusub ee South Sudan ayaan u muuqanin kuwo
qaboobay, iyada oo goobo dhowr ay dagaaladaasi ka socdaan.

Soomaalida dalkaas ku nool ayaa iyagana ay dhibaatooyin dhimasho, iyo
hantidii oo ay waaween dagaaladaas ka dhaxlay.

Soomaalida ku dhaqan magaalada Bor ee gobolka Jonglie iyo gobolka kale
ee Unity ayaa lagu soo waramayaa in dhibaatada ugu badani haysato.

Haddaba Maxamed Cabdi Sandhere ayaa khadka telefonka ee magaalada
Juba kula xiriiray Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Soomaalida ee
South Sudan, Shaafici Nuur-Calas Faarax waxana uu marka hore
weydiiyey sida xaaladda Soomaalida ee magaalada Bor ay hadda tahay.

please wait

No media source currently available

0:00 0:11:53 0:00
XS
SM
MD
LG