Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Heshiiska Xisbiyada Somaliland


Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha UCID
Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha UCID
Barnaamijka Faaqidaada Todobaadkan waxaan ku eegaynaa Heshiiska ay gaadheen xisbiyada siyaasiga ah ee Somaliland.

Xisbiyada Somaliland ayaa ku heshiiyey inay qabtaan Dood Qaran oo lagu faaqidayo arrimo badan oo taabanaya Masiirka Somaliland.

Arrimaha la filayo in la iskula soo qaado doodaasi ayaa waxaa ka mid ah: Siyaasadda arrimaha debedda ee Somaliland ay Ictiraafka ku raadinayso, Furista Dastuurka, dib u eegis ku saabsan doorashooyinka kala duwan.

Dooddan qaran ayaa noqonaysa markii ugu horraysay ee Somaliland ay si ballaadhan dib ugu eegto Siyaasadeheeda wixii ka dambeeyey markii ay ku dhawaaqday Goonni-isu-taagga 1991.

Barnaamijka Faaqidaadda toddobaadka waxan idin ku beddelney barnaamij gaar ah oo aan ku eegeyno umuurtaasi.

Ismail Hussein Farjar, weriyaha VOA ayaa soo diyaariyey soona jeedinaya. Barnaaamijka oo dhan ka dhegayso qaybta hoosee ee boggan.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:29:44 0:00
XS
SM
MD
LG