Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kulan Dhexmarey Musharixiinta Puntland oo Guuldareystey



Magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland waxaa ka dhacay kulan guuldaro ku dhamaadey oo dhexmarey Murashixiinta u taagan jagada madaxweynaha iyo Ku xigeenka Madaxweynaha ee Puntland, oo uu ku jiro Madaxweynaha haatan talada Haya Puntland Cabdrixaman Sheekh Maxamed Faroole.

Kulanka oo kii ugu horeeyay oo noociisa ah ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Garowe, waxaana Murashixiintu Mucaaradka iyo Madaxweynaha ay doonayeen inay kulankaasi ku xaliyaan khilaafaadkooda ku aadan qodobo muhim u ah qabsoomidda doorashada.
XS
SM
MD
LG