Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xasan: Hala Joojiyo Dagaallada Sokeeye


An infant anhinga reaches inside an adult bird's mouth to feed at the Wakodahatchee Wetlands in Delray Beach, Florida, USA.
An infant anhinga reaches inside an adult bird's mouth to feed at the Wakodahatchee Wetlands in Delray Beach, Florida, USA.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaallo u dhaxeeya beello oo ka soo cusboonaaday gobollada Shabeellda Hoose, Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka xun tahay dagaallada soo noq-noqnaya ee uu dhiigu ku daadanayo, isagoo sheegay inay taasi nasiib-darro tahay.

Madaxweynaha ayaa yiri " “Dowladda waxaa ka go’an in si deg-deg ah ay u joojiso dagaalada iyo collaadaha, isla markaana cid allaale iyo cidii is hortaagta
nabadeyntana laga qaadi doono tallaabo cad cad oo sharciga waafaqsan.
Siyaasadda Dowladda ayaa ah in khilaaf kasta oo jira lagu xaliyo si
nabad, wadahadal iyo dib u heshiisiin ah"

Madaxweyne Xasan ayaa ku baaqay odoyaasha dhaqanka, aqoonyahannada inay mas'uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta coladda, isla markaana dowladdiisa kala shaqeeyaan nabadeynta, fududeynta wadahadalka iyo dib-u-heshiisinta ka socota deegaanada dagaaladu ka dhaceen.

Warbixin ku saabsan Shirka Jaraa'id ee Madaxweynaha iyo wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka shabeelaha hoose halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:08:30 0:00
XS
SM
MD
LG