Isku xirrada

War Deg-Deg ah

MKG ah ee Jubba oo Magacaabay Xubno Cusub


Wareegto ka soo baxday Xafiiska Axmed Maxamed Islan, Axmed Madoobe, hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba ayaa lagu magacaabay qeyb ka mid ah xubnaha maamulka cusub.

Wareegtadan ayaa lagu magacaabay sagaal xubnood oo uu ku jiro ku xigeenka 2aad ee Axmed Madoobe.

Dhinaca kale, Maxamed Amin C/laahi, oo ka mid ahaa xubnihii saxiixay heshiiskii Jubbooyinka ee Muqdisho ayaa sheegay inay diidan yihiin xubnahan la magacaabay, wuxuuna sheegay in tani ay ka hor imaaneyso heshiiskii lagu gaaray magaalada Muqdisho.
XS
SM
MD
LG