Somaliland ayaa eedayn culus usoo jeedisay dawladda federaalka ee Soomaaliya oo ay ku eedaysay inay faragelin ku hayaan. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somailand Cali Maxamed Warancadde ayaa ku eedeeyey dawladda Soomaaliya inay degganaansho la’aan siyaasadeed ka abuurayso Somaliland. Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa warbixintan nooga soo diray Hargaysa.
Dhagaystayaal waxaa naga xusuuus ah inaan khadka telefoonka kula xiriirnay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya oo sheegay inaanay xilligan ka hadlaynin eedanaha ka yimid Somaliland.
Dhagaystayaal waxaa naga xusuuus ah inaan khadka telefoonka kula xiriirnay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya oo sheegay inaanay xilligan ka hadlaynin eedanaha ka yimid Somaliland.