Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dahabshiil oo ka Guuleysatay Barclays Bank


Maxakadda Sare ee London ayaa ku amartay bangiga Barclays in aanu joojin karin adeegga uu hayo Dahabshiil, taasoo ka dhigan in macaamiisha shirkadda ay awoodi doonaan inay sii wadaan dirista lacagaha ay u diraan eheladooda ama ay sii wadaan maalgashiga iyo dib u dhiska dalkooda.

Bangiga Barclay’s ayaa horey u qorsheeyay inuu joojiyo adeegyada uu u fidiyo xawaaladaha Soomaalida, gaar ahaan Dahabshiil, kadib markii ay soo baxeen walaac dalalka reer Galbeedku ay ka qabaan lacago la isdaba mariyo.

Shirkadda Dahabshiil ayaa ah tan ugu balaarran shirkadaha xawaaladaha Soomaalida, waxaana ay si gaar ah ugu adeegtaa ilaa iyo 100,000 Somali ah oo ku nool dalka Britian, waana taa sababta uu xaakimka maxkamadda sare ee London uu u taageeray dacwadda Dahabshiil.

Madaxa shirkadda Dahabshiil Cabdirashid Maxamed Saciid oo VOAda uga warramay arrintan ayaa ku tilmaamay guul ay gaareen dhammaan shacabka Somaliyeed iyo shirkadda Dahabshiil.

Wareysiga Cabdirashid halka Hoose ee qoraalkan ka dhageyso.

Dhageyso Wareysiga Dahabshiil - 00:35
please wait

No media source currently available

0:00 0:00:35 0:00
XS
SM
MD
LG