Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Toddobaadka Soomaalida ee London


Maanta waxa magaalada London lagu soo gababeynayaa “Toddobaadka Soomaalida” oo ah kulan sanadle ah oo lagu soo bandhigo noocyada kala duwan ee suugaanta Soomaalida. Kulanka waxa sanad walba ka qeyb gala abwaano magac ku leh deegaanada Soomaalida. Sanadkan waxa kulanka marti ku ahaa suugaanley ay ka mid yihiin Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame Hadraawi, Macallin Siciid Saalax, Qoraa Maxamed Daahir Afrax iyo kuwo kale.
Maxamed Cabdi Sandhere ayaa khadka telefonka ee magaalada London kula xiriiraya Ayaan Maxamuud oo ah qabanqaabiyaha munaasabadda, waxana uu marka hore weydiiyey Hal-ku-dhiga “Toddobaadka Soomaalida” ee sanadkan.

Dhinaca kalena, isla Maxamed Cabdi Sandhere ayaa wareystay Siciid Saalax Axmed oo ka mid ah ka qeybgalayaashii kulanka, sanadkana isaga si gaar ah loogu maamuusay, isaga oo 50 sano ay u buuxsantay intii uu waxbarashada iyo barbaarinta ku soo jiray. Waxa uu marka hore weydiiyey sida sanadkan uu u arkay “Toddobaadka Soomaalida.”


please wait

No media source currently available

0:00 0:10:27 0:00
XS
SM
MD
LG