Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamo Ajanabi ah oo Weeraray Baraawe


Ciidamo ajanabi ah ayaa saaka waabarigii waxay weerar ku qaadeen guri ururka al-Shabaab uu ku leeyahay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Ciidankan ayaa howlkan u isticmaalay diyaaradaha helicopters-ka iyo doonyo dheereeya.

Guriga ay ciidamadan weerareen ayaa lagu soo warramayaa inay ku jiraan saraakiil ka tirsan al-Shabaab. Ilo kale duwan ayaa idaacadda VOA u sheegay in sarkaal sare oo ka tirsan ururweynaha al-Qaacida oo la shaqeeya al-Shabaab uu ka mid ahaa dadkii gurigaasi ku jiray, balse ma cadda in weerarkaasi uu wax ku noqday iyo in kale.

Afhayeenka ururka al-Shabaab, C/casiis Abu Muscab ayaa warbaahinta u sheegay in niman caddaan ah ay weerar ku qaadeen guri ay lahaayeen al-Shabaab, balse wuxuu sheegay in ciidanka ururku ay weerarkaasi iska caabiyeen kuna qasbeen ciidankii ajanabiga ahaa inay dib u noqdaan.

Afhayeenka al-Shabaab wuxuu xaqiijiyay in weerarkaasi uu ku dhintay mid ka mid ah ciidanka al-Shabaab.

C/llaahi Muuase Abuukar, Guddoomiye-kuxigeenka maamulka gobolka Shabeellada Hoose ayaa VOA-da u xaqiijiyay in ciidan shisheeye oo wata diyaarado helicopterro ah iyo doonyo ay weerareen guri cayiman oo ku yaalla Baraawe, wuxuuna sheegay in qaar ka tirsan ururka al-Shabaab ay weerarkaasi ku dhinteen.

Magaalada Baraawe oo 250 KM u jirta Muqdisho waxaa gacanta ku haya ururka al-Shabaab. Baraawe waxaa dhawaan ka dhacay dagaal dhexmaray garabyo ka tirsan ururka al-Shabaab. Weerarkan maanta ayaa imanaya 2 toddobaad ka dib marklii ururka al-Shabaab ay weerar ka fuliyeen suuqa Westgate oo ku yaalla magaalada Nairobi, waxaana weerarkaasi ku dhintay 67 qof oo ay ku jireen dad u dhashay waddamada reer Galbeedka.

Ma ah markii ugu horreysay ee ciidamo shisheeye ay weerar noocan oo kale ah ka fuliyaan gudaha Somalia. Ciidamo Faransiis ah ayaa degmada Buulo-Mareer waxay ka fuliyeen weerar fashilmay oo ay damacsanayeen inay ku soo furtaan sarkaal ka tirsanaa Faransiiska oo ay afduub ahaan u haysteen al-Shabaab.

Sidoo kale, bilowgii sannadkan ayaa ciidamo Kumaandoos ah oo Maraykan ah ay fuliyeen howgal ay ku soo bad-baadiyeen laba ka mid ah shaqaalaha gar-gaarka.

Warbixin iyo wareysi la xiriira weerarkaasi Barawe halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:09:22 0:00
XS
SM
MD
LG