Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia iyo Turkey oo Heshiis Cusub kala Saxiixday


Shalay Dalka Turkiga waxaa heshiis iskaashi dhinaca diplomaasiyadda ah ku kala saxiixday wasaaradaha arimaha dibadda ee Somalia iyo Turkiga, heshiiskan ayaa yimid xilli dalkaasi ay booqasho ku joogaan wafdi uu hogaaminayo Ra’isul Wasaaraha Somalia Cabdi Farax Shirdoon.

Sidan oo kale ayaa horey Bishii December dowladaha Somalia iyo Turkiga waxey kala saxiixdeen heshiis iskaashi dhinaca milatariga ah, oo tababar iyo sahayba uu turkigu ugu yaboohayo Ciidamada Somalia, heshiiskaas oo ku yimid booqasho uu Madaxweynaha Somalia ku tagay Turkiga.

Hadaba si aan wax ugu ogaano heshiiska cusub ee Turkiga iyo Somalia ay kala saxiixdeen waxaan khadka taleefanka kula xiriirnay Wasiiru dowlaha Arimaha Dibadda ee dowladda Somalia Dr. Maxamed Nuur Gacal oo Somalia u saxiixay heshiiskaasi.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:20 0:00
XS
SM
MD
LG