Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ilaa 20 Qof oo ku Dhintay Weerar ka dhacay Nairobi


inta ilaa iyo hadda ay xaqiijiyeen saraakiisha amaanka iyo kuwa caafimaadka ee dalka Kenya in ka badan labaatan qof aya dhintey , kuwo kale oo badanna way ku dhaawacmeen kadib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen goob ganacsi oo caan ah oo ku taala caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Ciidamada amaanka iyo raggaasi ayaa weli isku mari la’ goobtaasi oo weli isku haya.

Warbaahinta Kenya ayaa shacabka ka dalbanaya inay tegaan goobaha isbitaalada si ay dhiig ugu deeqaan dadka wax ku noqdey weerarkan oo buux dhaafiyey isbitaalada magaalada.

Ciidamo si gaar ah u tababaran ayaa lagu soo waramayaa inay goobta gaareen, iyadoo dusha sarena lagu arkayo diyaarado ay leeyihiin cidiamada Kenya oo isku diyaarinaya inay ka qeyb qaataan hawlgalka la doonayo in lagu soo afjaro sii haysashada goobtan ee kooxaha hubeysan ee meesha ku jira.

Warar la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in weerarkan uu yahay mid argagixiso, laakiin madaxda dowladda waxay sheegeen in laga war sugo laamaha amaanka ee dowladda oo goor dhow soo saari doona war rasmi ah oo ku saabsan dhacdadan.

Warbixin iyo wareysiyo ku saabsan halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:11 0:00

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:40 0:00
XS
SM
MD
LG