Shalay waxaa lagu qabtay xarunta Woodrow Wilson ee magaaladan Washington kulan looga hadlayay arimaha Somalia, gaar ahaan dhaqaalaha iyo ammaanka iyo mudadii halka sano aheyd ee ay dowladda Federalka Somalia xafiiska heysay.
Waxaa kulankan dadkii ka qeyb galayay ay Su’aalo weydiinayeen laba guddi oo kale duwan oo isugu jiray xubno kala matalayay xawaaladaha Soomalida, qaar ka mid ah hay’adaha ka shaqeeya howlaha bani aadminimada, sarkaal ka socday wasaaradda arimaha dibadda ee Mareykanka iyo dimpolimaasiyiin British ah.
Isla Xaruntan ayaa waxaa galabta ka hadli doona madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud oo su'aalo lagu weydiin doono.
Wariyaheenna Maxamud Ibrahim Cali oo ka qeybgalay shirkaasi ayaa warbixin inooga diyaariyay.