Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Uganda oo Shaqada Ka Joojiyay 20 Askari


Ciidamada dalka Uganda ayaa shaqada ka joojiyay labaatan askari oo ka tirsan ciidamada dalkaasi eek u sugan Somalia kana mid ah hawlgalka AMISOM.

Askartan ayaa waxaa ka mid ah taliyaha ciidmada Uganda ee qaybta ka ah AMISOM ee jooga Somalia General Michael Ondoga.

Waxaana askartan lagu eedaynayaa inay raashinka iyo shidaalka ciidamada ku iibanayeen suuqa madow.

Ciidanka Uganda ayaa sheegay inay arrintaasi dabagal ku samaynayaan.

Afhayeenka ciidmada AMISOM Colnel Cali Adan Xaamud ayaa VOAda u sheegay in ay arrintan jirto isla markaana uu socdo dabagalku uuna yahay mid u gaar ah ciidanka Uganda.

Afhayeenka ayaa sheegay in arrintani aanay waxba u dhimi doonin hawlgalka AMISOM.

Waraysiga afhayeenka ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:06 0:00
XS
SM
MD
LG