Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Axmed Madoobe oo ka Badbaaday Isku Day Dil


Magaalada Kismaayo Xarunta Gobolka Jubada Hoose wararka ka Imanaya ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) oo Saakay ka Dhoofay Magaalada Muqdisho lagu weerarey Qarax Barqanimadii maanta ka dhacey Magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka loo adeegsadey miino waddada dhinaceeda la dhigay,iyadoo la sheegey in dad ka badan 7 Qof ay weerarkaas ku dhinteen.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareyey weerarkii maanta lagu qaaday Hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubbooyinka Mudane Shiikh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegey in Dowladda Somaaliya ay si xoog leh u cambaareyneyso weerarka lagu beegsaday kolonyadii Gawaarida ee uu la socdey Shiikh Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Somalia ayaa yiri waxaan leeyhay shacabka goboladda Jubooyinka si wada-jira meel ha oga soo wada jeestaan, dhagar-Qabayaasha bartilmaameydsanaya shacabka iyo Madaxda. waxuuna Ilaaahey uga baryey dadkii ku dhintey Weerarka Is miidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacey Magaalada Kismaayo inuu u Naxariisto.
XS
SM
MD
LG