Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hay'addo Naqdiyay Warbixintii QM ee Somalia



War ka soo baxay xafiiska madaxtooyada Somalia ayaa lagu sheegey in in hay’ad caalami ah oo qaabilsan, arrimaha baaritaanka dembiyada xisaabaadka iyo koox garyaqaanno ah ay soo saareen qoraal ay uga soo horjeesteen warbixintii Qaramada Midoobay ee dabagalka cunaqabateynta dalalka Somalia iyo Eretria, isla markaasna caddeeyey in Dowladda Somalia aysan wax musuq-maasuq ah sameynin.

Hay’adaha qoraalkaasi soo saarey ayaa kala ah ,Hay’adda Xisaabaadka ee FTI Consulting Inc, Kooxda Garyaqaanada shirkadda Shulman ee dalka Mareykanka, shirkadaha Rogers, Gandal, Pordy & Ecker, iyo P.A; kuwaas oo isku raacey in warbixintii guddiga kormeerka QM ay wax ka qaldan yihiin, isla markaana aan lagu kalsoonaan Karin, sida lagu xusey warka ka soo baxay xafiiska madaxtooyada Somalia.
XS
SM
MD
LG