Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Haweeney Swedish ah oo Xamar Lagu Dhaawacay


Haweeney u dhalatay dalka Sweden oo lagu magacaabo Ann Margareth Levih ayaa maanta lagu dhaawacamay agagaarka KM 4 ee magaalada Mudisho kaddib markii rag hubeysan ay weerareen gaari ay saarnayd. Haweenaydan ayaa weerarkaasi kahor ka soo baxday sida la sheegay Jaamacadda halkaasi ku taalla oo ay ka soo bixisay seminar.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Sweden Lena Tranberg ayaa laanta Af-soomaaliga ee VOA u xaqiijisay weerarka lagu dhaawacay haweenayda u dhalatay Sweden.

Waxaan xaqiijinaynaa in haweenay u dhalatay Sweden lagu rasaaseeyay oo lagu dhaawacay Muqdisho, waxaana loo wareejin doonaa magaalada Nairobi ayey tiri Tranberg.

Qaar ka tirsan warbaahinta Sweden ayaa wariyay in Ann Margareth ay madax u ahayd xafiiska xisbiga garabka bidix Vanester Party uu ku leeyahay magaalada Stocholm. Warbaahintu waxay kaloo qoreen in nin Soomaali Swedish oo isna ka tirsan xisbigan garabka bidix ee Vanester magaciisana lagu sheegay Abdiraxiin Xasan lagu dilay weerarka lagu dhaawacay haweenaydan.

Laakiin afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sweden Lena Tranberg ayaa VOA u sheegtay inaysan xaqiijin karin dilka ninka Soomaali-Swedish-ka ah, waxa ayna tiri

“Ma xaqiijin karno arrimahan, waxaa jira warar badan oo la sheegay oo ku saabsan sida uu weerarkasi u dhacay, laakiin waxaan kuu sheegay oo kaliya ayaan sheegi karnaa

Dhaawaca Ann Margareth ayaa waxaa la geeyay cisbitaalka Xalane ee ay maamullaan ciidamada howlgalka midowga African ee AMISOM. Afhayeenka AMISOM, Col Cali Aden Xaamud ayaa goor dhaweyd VOA u sheegay in haweeneyda haatan loo duuliyay magaalada Nairobi. Col.

please wait

No media source currently available

0:00 0:08:21 0:00
XS
SM
MD
LG