Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin:Qaabkii Loo Dilay Saraakiishii Al-shabab


Ururka Al-shabab ee Somalia ayaa horaantii Bishii August sanadkii 2011kii ka baxay saldhigyadii ay kaga sugnaayeen magaalada Muqdisho. Lix bilood ka hor ka bixitaankooda Muqdisho ayaa la sheegay inuu soo bilowday Khilaaf ka dhaxeeyay madaxda sara sare ee kooxda kaasoo keenay in markii dambe bishii June ee aynu soo dhaafnay lagu dilo magaalada Barawe ee gobolka Shabeelaha Hoose, Ibrahim Xaaji Jaamac Alafghan oo Amiir ku xigeen ka soo noqday kooxda iyo Sheekh Cabdiladif Xamud Colhaye oo Macalin burhan ay kooxdu u taqiin.

Muranka ugu xoogan ayaa waxa uu ka dhaxeeyay Amiirka Kooxda Axmed Cabdi Godane iyo rag ay ka mid yihiin Ibrahim Xaaji Jaamac Alafghan iyo Mukhtar Roobow Cali Abu Mansor oo somali ah, waxaa kaloo qilaafka qeyb ka ahaa Cumar Xamami oo Abu Mansor Al-Amriki oo Mareykanka u dhashay, kooxda muddo ka bar bar dagaalamayay.

Hadaba Sheekh Cumar Maxamed oo Al-shabab dhexdeeda looga yaqaan "Abu Ayaan" waxa uu ka mid ahaa saraakiisha Al-shabab gacan yarena u soo noqday Ibrahim Afghan.

Abu Ayaan oo dhawaan ka soo baxsaday kooxda ayaa VOAda uga waramay dilka Afghan iyo Khilaafka kooxda dhexdeeda ah.

Warbixin arintaasi ku saabsan halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:15:58 0:00
XS
SM
MD
LG