Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Nin loo Toogtay Dil Wariye


Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fuliyay Aden Sheekh Cabdi oo maxkamad military ay ku heshay inuu ka danbeeyey dilkii Wariye Xassan Yusuf Absuge oo sannadkii hore lagu dilay Muqdisho.

Ninka la toogay oo ka tirsanaa ururka al-Shabaab, ayaa noqonaya qofkii ugu horreeyey ee loo qabto dilalka weriyahaasha laguna fuliyo xukun dil.

Dhinaca kale, niman hubeysan ayaa maanta magaalada Muqdisho ku dilay Axmed Shariif Xuseen oo ka tirsanaa farsamayaqaanada Raadiyo Muqdisho.

Axmed Shariif ayaa laba nin oo hubeysan ay saaka meel u dhow gurigiisa ku dhaawaceen, balse goor danbe ku geeriyooday cisbitaalka, wuxuuna noqonayaa qofkii lixaad oo ka mid ah howlwadeennada warbaahinta Muqdisho oo sannadkan la dilo.

Wareysi iyo warbixin ku saabsan dilka wariyaha iyo ninka la toogtay halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:13 0:00
XS
SM
MD
LG