Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland oo Dib u Celisay Markab Siday Gargaar


Maamulka Puntland ayaa Muqdisho dib ugu celisay markab sidey raashin gar-gaar ah oo ka yimid hay'adda bisha cas ee Turkey. Puntland waxay sheegtay in raashinkan qaab sharci darro ah lagu soo diray isla markaana aan lagu soo hagaajin maamulka.

Gar-gaarkan oo gaaraya 10-kun oo tan oo isugu jira bariis iyo bur ayaa loo waday saddexda degmo ee Isku-Shuban, Taleex iyo Galdogob, balse maamulka ayaa sheegay raashinkan uu yahay mid "Siyaasadeysan" oo la doonayo in khal-khal lagu galiyo amniga Puntland.

Cadde Muse, madaxweynihii hore ee Puntland ayaa canbaareeyay go'aanka kuna tilmaamay go'aan siyaasadeed, wuxuu sheegay in Puntland ay gar-gaarka u baahan tahay, lagana doonayay maamulka inuu aqbalo isla markaana ay dadka u baahan u qeybiyaan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:09:02 0:00
XS
SM
MD
LG