Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirkadda Soma Oil oo Somalia Saliid ka Baaraysa


Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasaaradda Kheyraadka ee DF ee Somalia ayaa lagu sheegay in dawladdu ay heshiis la gashay shirkad lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration oo fadhigeedu yahay dalka Britain.

Sida warsaxaafadeedka lagu qoray, heshiiska u dhexeeeya DF ee Somalia iyo shirkaddani waxa uu ogolaanayaa in shirkadda Soma Oil and Gas Exploration ay sahmiso in Somalia ay saliidi ku jirto, isla markaana ay ururiso xogta ku saabsan shiidaalka.

Warsaxaafadeedka waxa lagu xusay in heshiiskan laga rajeynayo inuu qeyb ka noqdo dhiirigalinta maalgashiga ee DFS ay doonayso in dalka laga hirgaliyo.
Warsaxaafadeedka ayaa ugu dambeyn lagu qoray in heshiiskani uu muujinayo xiriirka xoogga badan ee u dhexeeya Somalia iyo dalka Britain oo ah halka ay kasoo jeeddo shirkaddan shiidaal baarista ahi.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:57 0:00
XS
SM
MD
LG