Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UNHCR oo Taageertay Go'aankii Maxkamadda Kenya


Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR, ayaa soo dhaweysay go’aankii 26kii bishan ka soo baxay Maxkamadda Sare ee dalka Kenya, kaas oo horjoogsaday qorshe dowladda Kenya ay ku dooneysay in dadka qaxootiga ah ee ku nool magaalooyinka dalkaasi ay ugu celiso xeryaha qaxootiga.

Hay’addu waxey sheegtay in go’aanka maxkamadda uu ahaa mid ka dhan ah, go’aan dowladda Kenya ka soo baxay bishii December ee sanadkii la soo dhaafay, kaasoo ay ku dooneysay in dadka qaxootiga ah ee ku nool Magaalooyinka inay u wareejiso xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma.

Ha’addu waxey sheegtay in go’aankaa uu ku soo beegmay xilli qaxootiga Soomaalida iyo dadka megangalyo doonka ah ay bilaabeen inay soo gudbiyaan, gabood fallo, xarig iyo baad sii baahayay oo ay booliska Kenya kula kacayeen dadkaasi, oo badankood awoodi waayay inay si xor ah u socdaan magaaloyinka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi.

UNHCR, waxey intaasi ku dartay in hadii talaabada dowladda Kenya ay dhaqangali laheyd ay saameyn ku yeelan laheyd qaxooti gaaraya 51 kun oo Soomaali u badan oo ku nool magaalooyinka Kenya, kuwaas oo ku tiirsan kaalmada hay’adaha gargaarka.

Waxaa kaloo go’aanka uu saameyn lahaa sida ay sheegtay UNHCR, caruur fara badan oo qaxooti ah oo hadda wax ka barata dugsiyada magaalooyinka Kenya.

UNHCR waxey ugu baaqday dowladda Kenya inay tixgeliso go’aanka maxkamadda sare oo ay dib u bilowdo adeegyadii dhinaca sharciga ee ay qaxootiga u fidin jirtay, sida; diiwaangelinta iyo bixinta warqadaha qaxootinimo iyo kuwa megangelyada, kuwaas oo lagama maarmaan u ah xuquuqdooda dhaq dhaqaaq. Dalka Kenya ayaa waxaa ku nool qaxooti gaaraya 600, kun oo qof.

Dhinaca kalena, dawladda Kenya ayaa ku celisay inaysan qaxootiga si qasab ah ugu celin doonin Soomalaiya. Yaasiin Ciise Wardheere ayaa warbixintan ka soo diray Nayroobi.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:47 0:00
XS
SM
MD
LG