Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Xildhibaanno Qarax Lagu Weeraray


Laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka bad-baaday qarax lala eegtay baabuurkii ay saarnaayeen oo marayay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan qaraxa ah ayaa waxaa ku dhaawacmay saddex qof oo saarnaa baabuurka oo laba ka mid ah ay lugaha ka go’een.

Dhinaca kale goobjoogayaal ay sheegaya inuu jiro qof rayid ah oo qaraxaasi ku dhintay.

Haddaba, Sheekh Aden Maxamed Adeer oo ka mid ah labada xildhibaan ee qaraxa ka bad-baaday ayaa C/casiis Xuseen oo ka tirsan VOA uga warramay sida ay wax u dhaceen. Wareysiga oo dhan halkan hoose ka dhageyso.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:04 0:00
XS
SM
MD
LG