Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Ka Dhacay Magaalada Kismayo


Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qarax lala beegsadey ciidamo ka tirsan hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee halkaasi jooga.

Afhaayenka Maamulka Raas Kiamboni Cabdinaasir Seeraar ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi lala beegsadey ciidamada Sierra Leone, balse aaney cidna wax ku noqon. Hase yeeshee goobjoogeyaal magaalada ku sugan ayaa sheegey in dad rayid ah ay dhimasho iyo dhaawacyo ka soo gaareen rasaas ay fureen ciidamada Sierra Leone qaraxa kadib.

Dadkaasi ayaa qaarkood la dhigey isbitalka magaalada Kismaayo. Mohamed Colaad Hassan ayaa khadka telefonka kula xiriirey Dr Cali Xasan Axmed oo ah madaxa isbitalka.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:41 0:00
XS
SM
MD
LG