Kooxda Dabagalka Cunaqabataynta Soomaaliya iyo Eretriya ayaa daabcaday warbixintii sannadlaha ahayd oo inta badan xoogga ku saartay ku-xadgudubka cunaqabataynta hubka, musuqmaasuqa, budhcad badeedda; argaixisada iyo is-hortaagga hawlhaha bani’aadminnimada.
Warbixintaasi Qaramada Midoobay oo ka kooban 487 bog, ayaan halkan idinkugu soo gudbineynaa dhowr warbixinood oo aan ka soo qaadnay warbixinta QM. Tan koowaad waxa ay ka hadlayesaa xadgudubka cunaqabataynta hubka.
Waxay warbixintu sheegtay in Al-Shabaab ay weli halis ku tahay Soomaaliya iyo Gobolka, inkastoo khilaaf uu ka dhex jiro hoggaanka in hadana weli ay awooddu si buuxdo gacanta ugu jirto Axmed Cabdi Godane uuna ururku haysto ilaa 5 kun oo maleeshiyo ah oo hubaysan.
Warbixintu waxay ku eedaysay ciidamada Kenya ee ka hawlagala magaalada Kismaayo inay iska dhegotireen amar ka soo baxay madaxweynaha Soomaaliya oo ahayd inaan dhuxusha laga dhoofin magaalada Kismaayo.
Dhinaca kale waxay warbixinta Qaramada Midoobay sheegtay in inkastoo isbeddel cusub uu ka dhacay Soomaaliya sannadkii hore in haddana ay sii socdeen falalka musuqmaasuqa iyo ku takri-falka hantida dadweynaha. Waxay sheegtay in 80% dakhliga soo gala bankiga Soomaaliya loo isticmaalo dano gaar ah. Waxay sheegtay warbixintu in musuqmaasuq uu ka dhacay Soomaaliya markii ay socotay doorashadii madaxeynennimada Soomaaliya sanandkii hore. Warbixintu waxay sheegtay in lacago lagu taageeray doorashada madaxweynaha Soomaaliya laga keenay waddanka Qadar.
Haddaba eedaymahan waxaa ka jawaabay madaxtooyada Soomaaliya. Afhayeenka Madaxtooyada Eng: Cabdiraxman Cumar Cusman Yariisow ayaa VOA u waramay, wareysigiisana halkan hoose ka dhageyso.