Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar Lagu Dilay Lix Ciidamada Dowladda ah


Baydhabo
Baydhabo
Ugu yaraan lix ka mid ah askarta dowladda Somalia ayaa ku dhintay, sagaal kalena wey ku dhaawacmeen, weerar gaadma ah oo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabab ay ku qaadeen duhurnimadii maanta, gaari Caasi ah oo ay la socdeen askartaasi meel u dhaxeeysa Qansax dheere iyo Awdiinle ee gobolka Bay.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidmada Dowladda ee Gobolka ayaa u sheegay VOAda in askartan weerarka lagu qaaday ay ahaayeen askar ka soo gadooday fariisin ay ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ku leeyihiin deegaanka Qansax dheere , kuna soo jeeday magaalada Baydhabo.

Askarta dhaawacantay oo qaarkooda qaba dhaawacyo halis ah ayaa la soo gaarsiiyay cusbitalka magaalada Baydhabo, halkaas oo lagu dabiibayo.
XS
SM
MD
LG