Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shan Askari oo lagu Dilay Gobolka Bay


Weerar bambaano oo maanta lagu qaaday makhaayad shaaha laga cabo oo ku taala degmada Qansandheere ayaa waxaa ku dhintay afar ka tirsan ciidanka dowladda, iyadoo weerarkaasi ay ku dhaawacmeen ilaa 10 qof oo kale.

Ururuka al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkaasi.

Dhinaca kale, dagaal xooggan oo u dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyada ururka alShabab ayaa maanta ka dhacay degmada Awdiinle ee gobolka Bay.

Ugu yaraan 4 qof oo uu ku jiro askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa dhintay. Guddoomiyaha degmadaasi ayaa VOA u sheegay in dagaalku qarxay markii rag hubeysan oo ka tirsan al-Shabaab ayaa weerar ku soo qaadeen fadhiisiin ay ciidanku leeyihiin.

Toddobaadkii hore weerar la mid ah kan Qansandheere ayaa lagu qaaday makhaayad ay fadhiistaan ciidamada dowladda oo ku taalla degmada Wanlaweyn, waxaana weerarkasi ku dhintay in ka badan 7 qof.
XS
SM
MD
LG