Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamaanka: Doodda Sharciyada Kaluumaysiga


Baarlamaanka Somalia ayaa loo gudbiyay sharciyada kaluumaysiga xeebaha Somalia oo ay soo gudbisay wasaaradda Kheyraadku. Sharciyadan oo ah kuwii hore ayaa waxaa ku cusub oo ku jira sharci ka hadlay ganaax lacageed oo malaayiin dollar ah oo la saari doono maraakiibta sunta ku daadisa ama sida sharci-darrada uga kaluumaysta xeebaha Somalia.

Wasaaradda Kheyraadka ayaa sheegtay in lacag u dhaxeysa 100 malyuun ilaa 500 malyuun oo dollar la ganaaxi doono maraakiibta lagu helo iyagoo sun ku daadinaya biyaha Soomaaliyaa, sidoo kale la ganaaxi doono inta u dhaxeysa 1 Malyuun iyo 10 Malyuun oo Dollar maraakiibta iyagana lagu qabto kaluumaysi sharci darro ah.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka doodaan sharciyadan kadibna ansixiyaan.

Haddaba wasiirka Kheyraadka dabiiciga ah ee dowladda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa VOA uga warramay sharciyada ay u gudbiyeen baarlamaanka.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:22 0:00
XS
SM
MD
LG