Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Qorshaynaya Hubaynta Mucaaradka Syria


Saraakiisha aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheegay in go’aanka Madaxweyne Obama uu ku gaadhay in hub la siiyo mucaaradka Syria uu yahay mid aanay waxba ka bedeli doonin kulanka madaxda dalalka G8.

Saraakil u hadlay aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Obama dhowrkii todobaad ee u dambeeyay uu ka fikrirayay go’aanka ku saabsan in Maraykanku hub ku taageero qaybo ka mid ah mucaaradka Syria.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay inay waqti qaadan doonto sidii hubkaasi u gaari lahaa Syria.

Madaxweyne Obama ayaa arrintan la soo qaadi doona madaxda 8da waddan ee ugu dhaqaalaha badan caalamka ee la isku yidhaahdo G8, kuwaasi oo Isniinta ku kulmaya Waqooyiga Irland.

Kaaliyaha La taliyaha madaweynaha ee ammaanka qaranka Ben Rodhes ayaa sheegay in go’aanka Madaxweyne Obama uu si wayn u kordhin doono taageerada uu Maraykanku siiyo mucaaradka Syria.

Waxaana uu warbaahinta u sheegay in go’aanka madaxweyne Obama uu yimid ka bacdi markii ay isa soo tareen caddaymaha muujinaya in dawladda Bashaar al Asad ay adeegsatay suntan kiimikada ah iyo waliba iyada oo ay kooxo shisheeye ku soo biireen dagaalka Syria.

Rhodes ayaa sheegay in Maraykanka uu lix bilood ka shaqaynayay sidii uu xidhiidh ula samayn lahaa kooxo ka mid ah mucaaradka Syria kuwaasi oo ay Dawladda Maraykanku u aragto kuwa dhex dhexaad ah oo aan xagjir ahayn .
Ururada uu magaacabay ayaa waxaa ka mid ah Isbahaysiga Mucaaradka Syria iyo Golaha sare ee Miltariga Syria.

Kaaliyaha la taliyaha Madaxweyne Obama ayaa tilmaamay in xidhiidhkan cusub iyo talaaboyinkan ay Maraykanka u damaanad qaadayaan inaan hubku gacanta u galin kooxaha xagjirka ah ee iyaguna dagaalka kula jira dawladd Syria.

Ugu yaraan 93 kun oo qof ayaa ku dhintay dagaalka Syria, sirdoonka maraykanka ayaa sheegay in 100 ilaa 150 qof oo ka mid ah lagu dilay sunta kiimikada ah ee mamnuuca ah, waxaana dawladda maraykanku ay arrintaasi ku tilmaantay mid xadgudub ku ah xeerarka caalamiga ah.

Ruushka ayaa ah waddanka kaliya ee ka mida wadamada G8 ee taageera maamaulka Bashaar al Asad, taasi oo keeni karta in wada hadallo dheeraad ah oo gooni ah ay arrintaasi ka yeeshaan madaxweynha Ruushka Putin, iyo Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama.

Dawladda Maraykanka ayaa in muddo ah ka war-wareegaysay inay hub ku taageerto mucaaradka Syria iyada oo ka cabsi qabta in hubkaasi gacanta u galo kooxaha xagjirka ah hase ahaate mawqifkaasi ayaa u muuqda inuu is bedelay ka dib markii sida dawladda Maraykanku ay sheegtay ay u caddaatay in dawladda Syria ay adeegsatay suntan kiimikada ah.
XS
SM
MD
LG