Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Ethiopia oo Saluugsan AMISOM


Dowladda Ethiopia ayaa toddobaadkan ka hadashay howlgalka ciidamadeeda ee Somalia. RW. Hailemariam Desaleng ayaa barlamaanka dalkiisa u sheegay inuusan ku qanacsaneyn oo uu saluugsan yahay cidamada AMISOM iyo kuwa Somalia ee Somalia, isagoo sheegay in AMISOM ay ka baxday balantii ay lagashay ee ahayd inay baddasho ciidanka Ethiopia.

Haddaba, maxaa lagu macneyn karaan, saluuga iyo jahawareerka xukuumadda Ethiopia ka muujinayso AMISOM iyo ciidanka Somalia, walaaca Ethiopia ma noqon karaa mid siyaasadeed ama mid dhaqaale, arrimahaasi ayaan uga hadlaynaa barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka, waxaana ka qeybgalaya, C/raxmaan Kulmiye Xirsi (C/raxmaan Dheere) oo Muqdisho jooga, Col Cali Aden Xaamud, Afhayeenka ciidanka AMISO oo Muqdisho jooga iyo Faysal Cabdi Rooble oo ah qoraa ka faallooda arrimaha Somalia iyo Geeska Africa oo California jooga.

Barnaamijka oo dhan halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:30:35 0:00
XS
SM
MD
LG