Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booliiska Boston oo Weli Raadinaya Tsarnaev


Booliiska Gobalka Massachusetts ayaa wada baaritaan balaaran oo ay ku baadigoobayaan mid ka mid ah labada nin ee lagu tuhmay qaraxii Boston ee Isniintii, ka dib markii goor danbe oo habeenkii xalay ahaa ay booliisku mid dileen.

Warbaahinta Mareykanka ayaa baahineysa labada nin ee laga shakisan yahay inay yihiin walaalo ka soo jeeda Chechnya.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ninkii xirnaa koofida cad ee sawiradii shalay la baahiyey ka muuqday looguna yeerayey “Eedeysanaha labaad” uu yahay midka ay booliisku ku raadjoogaan.

Booliiska ayaa sheegay in ninkaasi uu hubeysan yahay uuna qatar ku yahay ammaanka, iyagoo ugu baaqay dadka deggen degmada Watertown iyo nawaaxigeeda inay guryahooda ku jiraan, albaabadooda aaney ka furin cid aan booliiska aheyn, iyagoo wada baaritaan ay guri walba ku baarayaan.



Warbaahinta NBC ayaa tabineysa in labada nin ay yihiin walaalo ayna ka soo jeedaan wadanka Chechnya. Wakaalada wararka ee AP ayaa sheegeysa in ay ka soo jeedaan gobal ka mid ah Russia oo ku dhow Chechnya. Wargeyska The New York Times ayaa warinaya in mas’uuliyiintu ay rumeysan yiniin labada la tuhmayo ay yihiin Chechen.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegay in walaaluhu ay dalka Mareykanka si sharciya ku daganaayeen, welina la baadigoobayo Dzhokhar Tsarnaev oo 19 jira, ahna ninka labaad ee lagu tuhmayo qaraxa Boston Marathon.


Xeer ilaaliyaha degmada Watertown ayaa xaqiijiyey in labada nin iyo booliisku ay isku rasaaseeyeen Machadka Farsamada ee Boston, halkaasoo uu ku dhintay askari booliis ah ka hor intii aaney eedeysanayaashu gaari ay xadeen ula baxsan magaalada Wartertown.


Masuuliyiinta ayaa sheegay in labada nin ee lagu tuhmayo qaraxii Boston ay gaariga ka soo tureen walaxaha qaraxa iyadoo uu booliisku daba joogay ilaa ay galeen degmada Watertown.

Ma jiraan warar cadeynaya qaabka loo qabtay eedaysanaha koowaad ee sawirada ay baahisay FBI-du ay muujinayeen inuu watay koofida madow. Saraakiisha ayaa sheegay inuu si xun ugu dhaawacmay is rasaaseyntii booliiska iyo eedeysanayaaasha, ka dibna uu dhintay markii isbitaalka la geeyey.
XS
SM
MD
LG