Hay’adaha Amniga ee Mareykanka ayaa baaritaano ka sameeyey guri ku yaalla xaafadda Revere oo ku taalla duleedka magaalada Boston, iyadoo wadda dadaal ay ku doonayaan inay ku ogaadaan cidii ka danbeysay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Boston oo ay ku dhinteen ugu yaraan 3 qof ayna ku dhaawacmeen 176 ruux.
Danbi-baarayaasha ayaa la arkayey iyagoo guriga ka soo saaraya waxyaabo ay ka raadinayaan xog. Ma jiraan cid laga soo qabtay guriga baaritaanka lagu sameeyey oo xabsiga la dhigay, masuuliyiintuna kama aaney hadal cidda ay tuhmayaan.
Hay’adda sirdoonka Maraykanka ee FBI ayaa hormuud u ah dadaalka ay hay’adaha sirdoonku ku baarayaan waxa uu sarkaal ka tirasan Aqalka Cad ku sheegay in ahaayeen “fal argagixiso oo iska cad”
Ma jiro shaqsi ama koox sheegatay inay ka danbeyso mas’uuliyadda qaraxyada ka dhacay Boston. Hase ahaatee madaxweynaha Maraykanka Brack Obama ayaa sheegay in ciddii ka danbaysay qaraxyada la heli doono oo lala xisaabtami doono.
Wariyaha VOA Carolyn Presutti ayaa sheegtay in goor hore oo Talaadan maanta ah ay danbibaarayaashu howlgallo ka sameeyeen dhul balaaran oo ku dhow goobtii uu shalay ka dhacay qaraxu, ayna wadooyinka magaalada buuxaan oo kaliya ciidamda amaanka.
Taliyaha booliiska ee magaalada Boston Edward Davis ayaa sheegay in aaney helin xog gaar ah oo ka digaysay weerarka.