Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, in kabadan 130 qof oo kalena way ku dhaawacmeen kadib markii maanta laba qarax ay ka dhaceen magaalada Boston.
Qaraxyadan ayaa lala eegtay goob uu ku dhammaanayay tartan orodka marathon-ka oo ka dhacayay magaalada Boston, waxaana goobta qaraxyadu ka dhaceen buuxay dad aad u fara badan oo isugu jira daawadayaal iyo dadkii tartanka ka qeybgalayay.
Saraakiil ayaa sheegay in saddex walxood oo aan qarxin la helay, oo midkoodna laga helay Newton oo ku taalla duleedka magaalada Boston.
Saddexda qof ee ku dhintay qaraxyadan ayaa waxaa ku jira wiil yar oo siddeed jir ah
Ilaa hadda lama oga cidda geysatay qaraxyadan oo u muuqday kuwa si weyn loo soo qorsheeyay, mas'uuliyiintuna waxay sheegeen inaysan jirin cid deg-deg ah oo sheegatay mas'uuliyadda qaraxyadan.
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo dadka Maraykanka kala hadlay TV-ga, ayaa sheegay in Maraykanku uusan ogeyn "Cidda geysatay qaraxyadan iyo sababta ka danbeysaba" laakiin wuxuu wacad ku maray in qof kasta oo ka mas'uul ahba cadaalladda la marsiin doono.