Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda iyo Maamul u Samaynta Jubbooyinka


Kismaayo
Kismaayo
Dawladda Soomaaliya ayaa mar kale ku gacansadhay shirka maamul goboleedka loogu samaynayo gobollada Jubbooyinka ee bishii hore ka furmay Kismaayo.

Haddaba diidmada dawladda ee shirkaasi ma tahay mid sharci ah? Shirkanise ma yahay mid isku keenaya dadka degaanka? Waa qodobada uu sida tooska ah u faaqdi doono Barnaamijka oo uu todobaadkan inoo soo diyaariyay Haarun Macruuf waxaana ka qayb qaadanaya doodad:

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga Jaamac Axmed Maxamed (Jaamac Oday).

Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Maxamed Cabdi Gaandhi.

Maxamed Maxamuud Yuusuf ( Aw Libaax) oo ka mid ah saxeexayaasha qorshaha maamul u samaynta Jubbooyinka, kana mida siyaasiyiinta Ahlu Sunna Wal Jamaaca iyo Gobolka Gedo..

Cabdiraxmaan Macallin Cali oo hore uga tirsanaan jiray baarlaamanka Soomaaliya kana mida siyaasiyiinta Jubbooyinka.

Barnaamijka oo dhan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:32:15 0:00
XS
SM
MD
LG