Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaalida Minnesota oo Madxaf Furaysa


Haan - dhaqan iyo hiddo
Haan - dhaqan iyo hiddo
Madxaf lagu soo bandhigayo sawirro iyo qalab muujinaya hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliya ayaa laga furayaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Cismaan Maxamed Cali oo qorshahan madax u ah ayaa VOA u sheegay inuu soo uruuriyay qalab gaaraya 700 oo isugu jira, dhiilo, qori, argeeg, caw, hadhuub gaanle, sabraab, haamo, naadh ama qabbaal, wadaan, hargo, saamo, darmo, sibraar, saliyo, looxyadii quraanka iyo kuwo kale, kuwaasoo laga soo uruuriyay qeybo ka tirsan gobollada Soomaaliya.

Cismaan wuxuu sheegay in maanta oo Jimce ah iyo beri oo Sabtida ah uu dadka Minneapolis u qabannayo kulan uu ku soo bandhigayo qaar ka tirsan qalabka madxafka la dhigi doono si ay u daawadaan, isagoo sidoo kalena Soomaalida weydiisanaya inay taageerro dhaqaale ku yaboohaan qorshaha furitaanka madxafka.

Cisman Maxamed Cali
Cisman Maxamed Cali
Cismaan wuxuu sheegay in lacago laga qaadi doono dadka u soo daawasho tagi doona madxafka, isagoo ugu danbeyn sheegay in madxafka la furi doono muddo laba bilood gudahood ah.

Wareysiga Cismaan Maxamed Cali qeybta hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:10:13 0:00
XS
SM
MD
LG