Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiirka Arr. Dibadda Masar oo Muqdisho Booqday


Maxamed Kaamil Camr iyo wafdi la socday ayaa maanta booqday magaaalada Muqdisho, booqashadan oo noqonaysa tii ugu horeysay ee wasiir arrimaha dibadda ah oo reer Masar ahi uu Somalia ku tago intii burburka Somalia ka jiray.

Wasiirka ayaa calanka dalkiisa ka taagey goobtii ay ku taallay safaaradda dalka Masar, isaga oo sheegay in dhawaan safaaradda la furi doono.

Dhinaca kale waxa mas'uuliyiintii uu la kulmay oo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u horeeyo uu u ballan qaaday in Masar ay Somalia ka taakuleyn doono waxyaabaha ay Somalia u baahan tahay.

Warbixin iyo wareysi arrintaas la xiriira hoosta ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:08:00 0:00
XS
SM
MD
LG