Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bosaaso: Dibadbax ka Dhana Maamulka Puntland


Dibad-baxayaal sita boorar ay ku qoran yihiin erayo lid ku ah Maamulka Puntland ayaa saaka socod ku marey qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Boosaaso.

Inta la ogyahay hal ruux ayaa ku dhaawacmay mudaaharaadkan oo ciidamada amniga iyo dibadbaxayaasha oo ay wehlinayeen dad hubaysani ay isku dhaceen.

Dadka dibad-baxayey ayaa sababay in qaar ka mid ah goobaha ganacsiga ee Boosaaso albaabada loo laabo.

Dhinaca kale, isla magaalada Boosaaso hal ruux ayaa xalay ku dhaawacmay ka dib markii Bomb-gacmeed lagu tuurey masaajidka la yiraahdo Al-Rowda.
XS
SM
MD
LG